October 2, 2024
Masuuliyiin heer deegaan ah iyo kuwa maamulka magaalada Tog-wajaale ayaa 20 guri oo laga dhisay magaalada Wajaale ku wareejiyay qaar kamid ah shacabka magaaladaasi.
Masuuliyiin ka kala socday xafiisyada madaxweynaha, dakhliga, horumarinta magaalooyinka iyo dhismaha, Wakaaladda Hormarinta Guryaynta iyo maamulka magaalada Tog-wajaaje ayaa 20 guri oo midkiiba ka kooban yahay 3 qol, jikada, suuliga iyo dayr ku wareejiyay dad isugu jira danyar, agoonta ciidanka, macalimiin, xirfadlayaal caafimaad iyo dad waayeel ah. Guryahan ayaana lagu qeybiyay nidaam qori-tuur ah oo ay shacabku gacantooda ku qaateen.
Guryahan oo uu dhawaan madaxweynaha DDS xadhiga ka jaray ayaa waxaa dhismahooda fuliyay Xafiiska Horumarinta Magaalooyinka iyo Dhismaha DDS halka uu maamulkoodana ay leeyihiin Wakaaladda Horumarinta Guriyeynta DDS.