October 2, 2024
Kulan ay yeesheen Golaha Fulinta DDS oo uu shir-guddoomiyay Madaxweynaha DDS, mudane Mustafe Muxummed Cumar ayaa lagu ansixiyay barnaamij siyaasadeed oo kor loogusii qaadayo hannaanka qorshayaasha horumarineed ee xoolo-dhaqatada.
Barnaamijka Siyaasadeed ee ay Golaha Fulintu ansixiyeen ayaa xoogga saaraya; Kordhinta awoodda dakhli ee xoolo-dhaqatada iyo horumarinta heerkooda nololeed. Ballaadhinta adeegyada aas-aasiga ah ee bulshada iyo kaabayaasha dhaqaalaha iyo magaalooyinka oo ay warshuduhu weheliyaan si loo casriyeeyo nolosha xoolo-dhaqatada. Dhisidda awooda fulineed ee xoolo-dhaqatada iyo sal u-dhigga maamul-wanaagga iyo nidaam dimuqraadiyadeed ee dastuuriga kaasoo ku dhisan aasaas adag si loo xaqiijiyo ka qayb’galka iyo ka faa’iidaysiga xoolo-dhaqatada. Xaqiijinta horumar joogtaysan oo isku halayn leh oo xoolo-dhaqatadu helaan iyadoo lagu jaan-goynayo arrimaha xasaasiga ah ee taabanaya hay’adaha ku hawlan dhinacyada; harumarinta dhaqaalaha, bulshada, iyo sida oo kale dhisidda awoodda fulineed iyo arrimaha maamulka suuban.

RemasterDirector_22abe5b5f

RemasterDirector_22abe5b5f