October 2, 2024
Bulshada qeybaheeda kala duwan ee ku nool magaaladda Jigjiga ayaa saaka iskugu soo dareeray bannaanbax ay ku muujinayeen taageeridda Ciidanka Qaranka Dalka iyo dib-u-habaynta lagu sameeyay ciidanka Deegaanka.
Bannaanbaxan oo hal-ku-dhig looga dhigay “Waxaannu ku biiri ciidankayaga difaaca qaranka, waxaanu kor u qaadi qarannimadayada” ayaa waxaa shacabka kala qaybgalay hoggaaminta gobolka Faafan, kuwa Maamulka Magaaladda Jigjiga iyo saraakiisha Ciidanka Booliska Deegaanka.