October 2, 2024
Xafiiska Golaha Xildhibaannada DDS & Jaamacadda Jigjiga ayaa kala sexeexday heshiis iskaashi.
Heshiiskan oo muddo afar sano ah socon doona ayay jaamacadda iyo xafiisku iskaga kaashanayaan dhinacyada daraasaadka, kobcinta awoodda, qaab-dhismeedka xafiiska iyo waafaqsanaanta hannaanka shaqo, halkaasi oo ay ku kala sexeexdeen Afhayeenka Golaha Xildhibaannada Marwo Ayaan Cabdi, Madaxweynaha Jaamacadda Jigjiga Dr. Bashiir Cabdulaahi iyo masuuliyiin kale oo xafiiska & jaamacadda ah.
Ka sakow iskaashiga guud, masuuliyiinta labada dhinac ayaa sidoo kale kala sexeexday heshiis cilmiyaysan oo lagu soo qiimaynayo hab-shaqeedka iyo hirgalka in ka badan toban bayaan oo uu horay u ansixiyay Xafiiska Golaha Xildhibaannada Deegaanku.
Agaasinka daraasaadka & baahinta shuruucda oo faahfaahin naga siiyay heshiisyadani ayaa sheegay in heshiiskani noqon doono mid taariikhi ah; ayna ka filayaan in ay kor uqaadi doonaan hirgalinta & ku dhaqanka shuruucda.