October 2, 2024
Maamulka degmada Awbarre ee gobolka Faafan ayaa dhagaxdhigay afar biyo-xidheen oo laga kala qodayo afar aag oo ay bulsho badani oo xoolo-dhaqato-beeraley ahi deggan tahay.
Biyo-xidheennadan oo laga kala qodayo tuulooyinka Magaalo-buti, tuulada Cafarta, Jaarre iyo Daahan ayay masuuliyiinta degmada oo uu ugu horreeyo guddoomiyaha degmada Awbarre ku wareejiyeen qandaraaslayaashii qodi lahaa biyo-xidheennadaasi.
Dhinaca kale, bulshada xoolo-dhaqato-beeraleyd ah ee aagaggaasi deggan ayaa si weyn usoo dhaweeyay mashaariicda horumarineed ee anfici doonta.
Geesta kale, guddoomiyaha degmada Awbarre iyo madaxa xafiiska biyaha ayaa sheegay in biyo-xidheennadan lagu dhammaystiri doono muddo bil ka yar.