October 2, 2024
Madaxweyne kuxigeenka DDS ayaa soo komeeray beeraha & xarumaha adeegbixinta magaalada Erer
Madaxwayne kuxigeenka DDS mudane Ibraahim Cusmaan, hogaaminta sare ee heer deegaan ayaa socdaal ay ku marayeen degmooyinka gobollada Erer & Siti ku soo gabo’gabeeyay kormeer galabta ay ku tageen xarunta caafimaadka, dugsiga waxbarashada iyo beeraha magaalada Erer qeyba ka mid ah, waxa uuna halkaa xog waraysi la yeeshay bulshada beeralayda iyo maamulka magaalada.
Shacabka beeralayda ayaa ka codsaday dowladda in laga caawiyo daawooyinka beeraha, suuqgaynta waxsoosaarka, waxaana madaxweynaha ujeediyay xafiisyada hawlahaa khuseeyaan ee heer deegaan in cabashooyinka bulshada degdeg uga soo jawaabaan isaga oo bulshada dhinaca kale kula dardaarmay in xooga saaraan ka faa’iidaysiga kheyraadka beeraha iyo xoolaha.