October 2, 2024
Madaxweyne kuxigeenka DDS ayaa soo kormeeray dhulbeereedka Karaba ee degmada Afdam.
Madaxweyne kuxigeenka DDS Mudane Ibraahim Cismaan oo ay weheliyaan hoggaaminta sare ee heer deegaan ayaa kormeeray dhulbeereedka Karaba ee degmada Afdam oo ay horay dowladda ugu wareejisay 200 oo iskaashatooyin xoolo-dhaqata ah oo u jihaystay waxsoosaarka kheyraadka beeraha, waxaana iskaashato kasta la siiyay 10 hiktar oo dhul ah.
Madaxweyne kuxigeenka DDS ayaa kulan la qaatay bulshada xoolo-dhaqatada ah waxaana ay ka codsadeen dowladda in laga taageero dhinacyada biyaha, suuqgaynta iyo sidii loo samayn lahaa daad-xidheenno, waxa uuna Madaxweyne kuxigeenku isaga oo ka jawaabaya codsiyada shacabka uu xusay in dowladdu qorshe u qaadan doonto waxybaaha ay bulshada in laga taageero codsadeen.