October 2, 2024
Madaxa xafiiska waxbarashada ee Maamulka Magaalada Jigjiga iyo masuuliyiin kale ayaa kormeer kusoo sameeyay qaar ka mid ah dugsiyada sare ee Maamulka Magaalada Jigjiga
Kormeerkani ayaa ahaa mid loogu kuurgalayay heerarka kala duwan ee tayaynta ardayda sannadkan u fadhiisan doonta imixaanka shahaadiga ah ee fasalka 12aadka oo sida la shaaciyay dhawaan ka qabsoomi doona guud ahaanba jaamacadaha kala duwan ee dalka.
Masuuliyiintani ayaa intii ay ku gudajireen kormeerkani xoogga saaray geeddi-socodka hannaanka waxbarasho ee dugsiyadan iyo xaqiijinta heerka ay marayaan fasallada kabista ardayda oo loogu talo’galay in kor loogu qaado fahanka ardayda fasalada 12aadka ah.