October 2, 2024

default

Madaxwayne Mustafe oo kormeeray mashaariicaha horumarineed ee Tog-wajaale.
Masuuliyiin uu hoggaaminayo Madaxweynaha DDS, mudane Mustafe Muxummed Cumar ayaa kormeeray mashaariicaha horumarineed ee dhammaaday iyo kuwa socda ee maamulka magaalada Tog-wajaale oo ay kamid yihiin ceelasha laga qoday Galaha-Juuqeed oo ay horey ugu yaaleen saddex ceel oo waraabin jiray magaalada balse hadda lagu daray 4 ceel si ay bulshadu uhelaan biyo ku filan. Masuuliyiinta ayaa sida oo kale kormeeray guryo-wadareedka ay xukuumaddu ka hirgelisay magaalada oo la dhammaystiray.

default