October 2, 2024
Madaxweyne kuxigeenka DDS oo dhagaxdhigay xarunta shaybaadka xoolaha Hadhagaale.
Madaxweyne kuxigeenka DDS Mudane Ibraahim Cusmaan ayaa dhagaxdhigay xarunta shaybaadhka xoolaha degmada Hadhagaale oo qayb ka ah mashaariicaha uu fulinayo Mashruuca Horumarinta hab-nololeedka Xoolo-dhawatada (LLRP), waxaana ay xaruntaasi adeeg siin doontaa bulshada gobollada Siti yo Faafan iyada oo ay ku baxayso lacag dhan 100 milyan oo bir waaxana qorshaha uu yahay in lagu soo gabo’gabeeyo muddo 1 sano ah.