October 2, 2024
Madaxweyne kuxigeenka DDS ayaa dhagaxdhigay maktabadda bulshada degmada Hadhagaale.
Madaxweyne kuxigeenka DDS Mudane Ibraahim Cusmaan ayaa dhagaxdhigay dhismaha maktabadda bulshada magaalada Hadhagaale oo ka mid ah mashaariicaha uu fulinayo Ururka Horumarinta Soomaalida, waxaana madaxweyne kuxigeenka DDS oo munaasabadda dhegaxdhigga ka hadlay uu sheegay in bulshada looga baahan yahay in ay ka faa’iidaystaan maktabadda oo carruurta ku dhiirrigaliyaan in waxbarashadooda la horumariyo.