October 2, 2024
Madaxweyne kuxigeenka DDS oo maanta soo kormeeray mashruuca waraabka Kulan & Harawa ee tuulada Gabi.
Madaxweyne kuxigeenka DDS oo hoggaaminaya xubno heer deegaan ah ayaa soo kormeeray mashruuca waraabka Kulan iyo Harawa ee dhulbeereedka tuulada Gabi ee degmada Hadhagaala & daad-xidheenka tuulada, waxa uuna halkaa madaxweyne kuxigeenku warbixin uga dhegaystay bulshada beeraleyda oo khasaaro ka soo gaadhay daadad ka dhashay roobabka ka da’ay degmada Hadhagaale.
Madaxweyne kuxigeenku waxa uu sheegay in si degdeg ah looga jawaabi doono tabashooyinka ay qabaan bulshada beeraleyda ah ee ku dhaqan tuuladaas, islamarkaana waxa uu xafiisyada heer deegaan waraabka, beeraha iyo cilmi-baadhista u gudbiyay qorshe degdeg ah oo lagaga jawaabayo baahiyaha jira si kor loogu qaado waxsoosaarka khayraadka beeraha.