October 2, 2024

RemasterDirector_22abe5b5f

“Kaliya in la ciyaaro un ma ahan balse waa in shaqo-abuur ay u noqdaan dhallinyarada deegaanka islamarkaana lagagasoo muuqdo fagaarayaasha ciyaaraha dalka”, madaxweyne Mustafe Muxummed Cumar.
Tartanka ciyaaraha maamulka magaalooyinka deegaanka oo ay weheliiso kooxda jaamacada Jigjiga ayaa maanta ka furmay garoonka kubada cagta ee magaalada Jigjiga
Munaasibadda lagu daah furayay tartanka 2aad ee ciyaaraha maamul-magaalooyinka iyo jaamacadda Jigjiga
waxaa ka qayb’galay Madaxwaynaha Deegaanka, mudane Mustafe Muxummed Cumar, masuulyinta Xafiiska Dhalinyarada iyo Ciyaaraha iyo marti-sharaf kale.Madaxwaynaha deegaanka Soomaalida Mudane Mustafe Muxummed oo furay tartan ayaa sheegay in loo baahan yahay in dhallinyarada deegaanku ay shaqo-abuur ka dhigtaan ciyaaraha iyada oo laga qayb’galayo tartanada heer qaran.
Kooxaha Maamulka Magaalada Jigjiga iyo Wajaale ayaa lagu daahfuray tartanka.

RemasterDirector_22abe5b5f
RemasterDirector_22abe5b5f