October 2, 2024
Waxaa magaalada Dhagaxle laga daahfuray warshadda biyaha ee Durdur oo ay ku baxday lacag dhan 150 milyan.
Munaasabaddan daahfurka oo ka qabsoontay gudaha warshadda ayna kasoo qaybgaleen masuuliyiin heer deegaan ah oo uu hoggaaminayo Wasirka Xafiiska Madaxwaynaha Deegaanka Dr. Xuseen Xaashi, xildhibaano, ganacsato, waxgarad, culimo’udiin iyo marti-sharaf kale.
Masuuliyiinta iyo marti-sharafta kale ee kasoo qaybgashay oo hadalka iska dabaqaatay ayaa bogaadiyay aasaasayaasha warshadan, dhanka kalena ugu baqay qurbajoogta Deegaanka in la maalgashado Deegaanka.
Warshaddan oo ay shaqo-abuur ka heleen 200 oo qof ayaa waxaa maalgaliyay qurbajoog udhalatay Deegaanka oo kaashanaysa Bangiga Horumarinta Itoobiya.
Gabo’gabadii munaasabaddan xadhigjarka waxaa abaalmarinno la siiyay xubnihii muddadii ay warshadda shaqadeedu socotay sida fiican uga qaybqaatay.