October 2, 2024
Madaxwayne kuxigeenka DDS Mudane Ibraahim Cismaan oo ay weheliyaan hoggaaminta sare ee heer deegaan oo lagu soo dhaweeyay magaalada Samakaab ayaa goob fagaare ah kula hadlay bulshada ku dhaqan deegaanka, waxaanu kula dardaarmay inay xoogga saaraan waxsoosaarka beeraha. Waxaa kale oo uu kulan la qaatay maamulka shirkadda Shiinaha ee CCECC oo gacanta ku haysa dhismaha jidka iskuxidha Harmukaale iyo Jigjiga.
Kulankaas ayaa waxaa lagu waydiiyay shirkadda gacanta ku haysa dhismaha waddada laamiga ah halka ay marayso iyo caqabadaha hortaagan, waxaanu madaxweynuhu talo ku siiyay shirkadda gacanta ku haysa dhismaha waddadaas in sida ugu dhakhsaha badan loo dhaqaajiyo loona dhamaystiro si adeegii loogu baahnaa looga helo, waxa uuna sidoo kale xusay in uu jiri doono isla xisaabtan dhab ah oo joogta ah.
Waddadan oo dhererkeedu dhan yahay 104.3 km ayaa ka mid ah mashaariicda ay ka wado dowladda dhexe ee Itoobiya Deegaanka, taas oo la billaabay sannadkii 2019-ka, waxaana qorshuhu yahay in dhawaan la soo gabo’gabeeyo.