October 2, 2024
Madaxwayne kuxigeenka DDS iyo masuuliyiin uu hoggaaminayay oo kulan la yeeshay waxgaradka gobolka Siti.
Mudane Ibraahim Cusmaan, Madaxwayne kuxigeenka DDS iyo hoggaaminta sare ee ku wehelinaysa kormeerka guud ee uu degmooyinka gobolka Siti ku mari doono ayaa ugu horrayn kulan la yeeshay waxgaradka gobolka Siti, kaas oo hoos loogu dhaadhicinayo bulshada qaybaheeda kala duwan xaalladda guud ee dalka iyo Deegaanka, qorshayaasha horumarineed ee bulshada sida ka faa’iidaysiga waxsoosaarka beeraha iyo khayraadka xoolaha ee Deegaanku qaniga ku yahay, kor-u-qaadista tayada waxbarashada, dakhliga iyo tayeynta iyo dib-u-habeynta hay’adaha nabadgalyo iyo amni sugidda Deegaanka, shaqo-abuurka iyo waliba sidoo kale xasilinta sicir-bararka dhinaca maceeshadda daruuriga ah.
Dhinaca kale, odoyaasha dhaqanka ee gobolka Siti ayaa ballanqaaday in ay ka dhabayn doonaan oo kaalintii odoyaasha dhaqanku ku lahaayeen qorshashan xukuumaddu jeexday ee lagu horumarinaayo bulshada ee iskugu jira dhan horumarineed, dhaqaale iyo mida nabadgalyo, iyadoo duqaydu dhinaca kale bogaadiyeen arrimaha xidhiidhka dadwaynaha ee hoggaaminta sare Deegaanku hoos dhaadhicinayso bulshada si loo dhagaysto tabashooyinka shacabka iyo su’aalaha horumarineed ee ay qabaaan ee la xidhiidha dhinaca maamulka suubban.