October 2, 2024
Hoggaamin sare oo ka kala socday xafiisyada heer deegaan ayaa soo kormeeray burburka, dhaawaca iyo nabaadguurka buurta taariikhiga ah ee Kaaraamardha kasoo gaadhaysa dhagaxa laga qodo buurtan.
Waxayna hoggaamintan oo uu horkacayay Wasiirka Xafiiska Madaxweynaha DDS Dr. Xuseen Xaashi Qaasim islamarkaana ay ku wehelinayeen Wasiirrada Xafiiska Ilaalinta Deegaanka iyo Maamulka Dhulka Miyiga DDS, Xafiiska Beeraha DDS, Xafiiska Macdanta iyo Shidaalka, Xafiiska Dhaqanka iyo Dalxiiska, Xafiiska Warfaafinta DDS, masuuliyiinta Maamulka Magaalada Jigjiga iyo hay’adaha nabagalyadu ay booqdeen goobaha dhagaxa laga qodo laguna shiido ee buurta Kaaraamardha, kuwaas oo saameyn daran oo dhanka burburka buurta ah ku haya iyo waliba waraarrada iyo lagaha dhaadheer ee ka dhashay islamarkaana halis ku ah magaalada Jigjiga.
Hoggaamintan ayaa sidoo kalena booqday mashaariicaha biyo-baahinta ee uu xafiiska beeruhu ka wado halkaasi si uu umaareeyo saameynta iyo dhibaatada magaalada Jigjiga kasoo gaadhi karta waraarrada iyo jeexjeexyada soo gala magaalada, si looga hortago dhibaatadan ayaa waxay masuuliyiintan sheegeen in muddo gaaban lagu joojiyo burburinta iyo dhagaxa laga qodo buurtan Kaaraamardha lagana saaro shirkadaha ku hawlan arrintan oo la geeyo goobo kale oo ayna ka iman karin saameynta noocan ah.