October 2, 2024
Wasiirka Xafiiska Horumarinta Magaalooyinka iyo Dhismaha DDS Mudane Maxamednaaji Maxamed ayaa si rasmi ah xadhigga uga jaray dhismaha xafiiska maamulka gobolka Afdheer.
Mashruucan la xadhigjaray oo ka mid ah mashaariicaha horumarineed ee ay xukuumadda DDS ka hirgalisay 11-ka xarumood ee gobollada ahna nooca G+1 kuna baxday lacag ka badan 51.4 milyan, islamarkaana loo dhamaystiray qalabka guud ee qaybaha uu ka kooban yahay xafiisku ayaa la rajaynayaa inuu wax badan ka tari doono adeegbixinta uu siin jiray shacabka xafiiska maamulka gobolka.
Wasiirka oo ay waheliyeen maamulka gobolka Afdheer iyo martisharaf kale ayaa ugu horrayntii waxaa hadallo dardaarana uga soo jeediyay munaasabadda xadhigjarka Wasiirka Xafiiska Horumarinta Magaalooyinka iyo Dhismaha Mudane Maxamednaaji Maxamed.