October 2, 2024
Wajaale: Waxaa xadhigga laga jaray guryo-wadareedyo uu Xafiiska Horumarinta Magaalooyinka iyo Dhismaha DDS ka fuliyay magaaladaasi.
Guryahani oo ka kooban 20 xaafadood ayna ku baxday lacag kor u dhaafaysa 30 milyan ayaa ka sakow inay hoy u noqon doonaan shacab aan horay guryo u lahayn waxay kaalin ka qaadan doonaan kor-u-qaadidda bilicda magaalada sida ay sheegeen masuuliyiinta madasha ka hadlay.
Wasiir kuxigeenka Xafiiska Horumarinta Magaalooyinka iyo Dhismaha DDS Eng. Yoonis Nuur ayaa maamulka kula dardaarmay inay si caddaalad ah u qaybiyaan; shacabkana ku adkeeyay inay hantidaasi ilaashadaan, isaga oo ugu dambayntiina fureyaashii ku wareejiyay masuuliyiinta Wakaaladda Horumarinta & Maamulka Guryaha Deegaanka.