October 2, 2024
Shirweynihii 6aad ee Ururka Adeegga Nidaamka Dhaqantoosinta ee Afrika oo socon doona 15 illaa 19-ka bishan may ee 2023 ayaa ka furmay caasimadda dalka Sinigaal ee Dakar.
Shirwaynahan oo hal-ku-dheg looga dhigay “inaga oo cashar ka qaadanayna caabuqii Covid-19 ayaan dhisaynaa nidaam dhaqantoosin oo adkaysi leh” ayaa waxaa soo xaadirtay 32 waddan oo ka tirsan qaaradan Afrika, shirkaasi oo ka dhacaya huteelka King Fu’aad ee magaalada Dakar.
Ururka Adeegga Nidaamka Dhaqantoosinta ee Afrika oo ka kooban 32 wadan oo uu ka mid yahay dalkan Itoobiya ayaa waxaa si rasmi ah ufuray ra’iisalwasaaraha dalka Sinigaal iyo Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda Dalkaasi, waxaana lagaga wadahadlayaa arrimo ay ka mid yihiin:
1. Sidii xabsiyada Afrika mustaqbalka loogu beddeli lahaa xarumo dhaqancelin ah, iyada oo laga guurayo guryaha maxaabiista lagu xidho ee udhisan sida bakhaarrada loona guuri doono nidaam casri ah.
2. Maareynta maxaabiista xagjirka ee rabshadaha kiciya iyo sidii looga hortagi lahaa in looga sii daro oo aanay faraha ka bixin rabshadaha ka dhexdhaca maxaabiista iyo sidoo kale qodobbo kale oo muhiim ah oo ku aaddan sidii loo maarayn lahaa xaaladaha kala duwan ee maxaabiista oo lagu wado in la isla soo qaadi doono maalmaha ka dhiman shirwaynahan maadaama oo uu wali socdo.
Ururkan oo ka kooban 32 dal ayaa waxaa shirwaynahani 6aad ku metelaya Itoobiya Komishineerka Komishinka Asluubta Deegaanka Soomaalida Mudane Bashiir Axmed Xaashi.