October 2, 2024
Shacabka Maamulka Magaalada Wajaale ayaa sheegay in xannibaadda la saaray bangiyadu ay caqabad ku hayso ganacsiga magaalada.
Shacabka magaalo-xuduudeedda Wajaale oo ay kulan la qaateen hoggaamin heer deegaan iyo heer gobol iskugu jira ayaa soo jeediyay cabashooyin kala duwan oo ay shacabkaasi tabeyeen. Masuuliyiinta dhagaysanayay tabashooyinka shacabka ayaa sidoo kalena la wadaagay farriimo ay ka mid yihiin fahamka dib-u-habaynta ciidanka.
Hoggaaminta oo maalmihii u dambeeyayba socdaal ku marayay degmooyinka waqooyiga gobolka Faafan ayaa safarkooda ku soo gabo’gabeeyay Maamulka Magaalada Wajaale, iyagoo maalmihii la soo dhaafay kulammadani la soo qaatay shacabka degmooyinka Awbarre, Harawa iyo Harooreys.