October 2, 2024
Xukuumadda Deegaanka Soomaalida ayaa 11-ka gobol ee Deegaanka Soomaalida ka dhistay xaafisyo cusub oo ay ku shaqayn doonaan maamulka gobollada ee Deegaanka Soomaalida.
Waxaana maanta xadhigga laga jaray xafiiska maamulka gobolka Nogob oo si casri ah loo dhisay noociisuna yahay G+1 ayna ku baxday 37 milyan oo birr.
Waxaana xadhigga ka jaray Wasiirka Xafiiska Horumarinta Magaalooyinka iyo Dhismaha DDS, Madaxa Arrimaha Siyaasadda ee Xisbiga Barwaaqo ee Deegaanka Soomaalida Mudane Maxamed Cumar iyo maamulka gobolka Nogob.
Dhismaha Xafiiskan cusub oo ay maamulka gobolku ku shaqayn doonaan ayaa qayb ka qaadan doona kor-u-qaadidda adeegbixinta bulshada loo fulinayo iyo bilicda magaalada Ceel-weyne ee xarunta gobolka Nogob.