October 2, 2024
Waxaa gabo’gabo ku dhaw dugsiga hooyga waxbarashada degmada Gunagado.
Madaxweynaha DDS, mudane Mustafe Muxummed Cumar iyo masuuliyiintii uu hoggaaminayay ayaa kormeeray habsami usocodka dugsiga hooyga waxbarashada degmada Gunagado ee gobolka Jarar oo heer gabo’gabo ah maraya. Madaxweynaha ayaa xafiiska iyo qaandaraaslaha gacanta ku haya mashruuca kula dardaarmay in dakhso ah ay usoo gunnaanadaan iyaga oo aad uga taxadaraya tayada iyo meeqaamka dugsiga.