October 2, 2024
Kulamada iyo kormeerka hoggaaminta sare ee heer deegaan oo wali ka socda degmooyinka gobolka Siti.
Masuuliyiin uu hoggaaminayay Wasiirka Xafiiska Caafimaadka DDS Dr. Muuse Axmed ayaa kormeer iyo indho’indhayn ku soo maray xarumaha adeegbixineed ee degmooyinka Shinniile iyo Dambal ee gobolka Siti. Sidoo kale, hoggaaminta sare ayaa la kulmay qaybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan tuulada Dhuure ee ka tirsan degmada Dambal iyada oo hoggaamintu bulshada la wadaageen xaaladda guud ee dalka iyo deegaanka, qorshayaasha horumarineed, dhaqan-dhaqaale iyo mida nabadgalyo. iyaga oo dhinaca kalena bulshada ka dhagaystay tabashooyinka jira iyo su’aalaha dhinaca horumarka gaar ahaan adeegayada aasaasiga iyo kaabayaasha dhaqaale ee u baahan in laga jawaabo.
Dhinaca kale, bulshada ku dhaqan tuulada Dhuure ee ka tirsan degmada Dambal ee gobolka Siti ayaa hoggaaminta la wadaagay caqabadaha iyo dhibaatooyinka ka jira dhinaca maamulka suubban, gaar ahaan tayada waxbarashada, biyaha iyo dhinacyada kaabayaasha dhaqaale sida korontada iyo isgaadhsiinta.