October 2, 2024
Soomaalida Eng. Maxamed Shaalle ayaa soo kormeeray mashaariicaha horumarineed ee ka socda xarunta gobolka Liibaan ee magaalada Filtu.
Masuuliyiinta oo uu hoggaaminayay Madaxa Xafiiska Xisbiga Barwaaqo ee Soomaalida Eng. Maxamed Shaalle ayaa waxaa kormeerka ku wehelinayay qaar ka mid ah hoggaaminta degmooyinka gobolka Liibaan, ujeedka guud ee kormeerkoodani ayaa ahaa sidii loola socon lahaa habsami-u-socodka shaqo iyo halka ay marayaan mashariicaha ka socda degmada Filtu.
Guud ahaan masuuliyiinta ayaa soo kormeeray mashaariico kala duwan oo ay ka mid yihiin dhismaha xarunta xannaanada xoolaha, dhismaha guryo-wadreedka, dhismaha dugsiga hoyga, dhismaha xafiiska gobolka Liibaan iyo dhismaha mashruuca biyo-xidheenka magalaada Filtu.