October 2, 2024
Mac’hadka Cilmi-baadhista Xoolaha iyo Beeraha DDS ayaa soo bandhigay daraasaad lagu ogaanayo caqabadaha ku gadaaman falashada beeraha, xoolaha iyo kheyraadka dabiiciga ah.
Deegaanka Soomaalida ayaa leh kheyraad kala duwan oo ay ka mid yihiin xoolaha, beeraha iyo kheyraadka dabiiciga ah kuwaas oo wali sida ugu habboon aan looga faa’iidaysanin sababo la xidhiidha habka falashada iyo dhaqashada oo wali dib dhacsan.
Haddaba, si loo horumariyo hab-nololeedka bulshada ayaa waxaa Mac’hadka Cilmi-baadhista Xoolaha iyo Beeraha DDS oo kaashanaya kan federaalka uu sameeyay cilmi-baadhis lagu ogaanayo caqabada ku gadaaman bulshada xoolo-dhaqatada iyo beeraleyda si loo kala saaro dhibaatooyinka sida ay u kala mudan yihiin, iyadoo la raacayo nidaam cilmiyaysan oo fududaynaya sidii loo ogaan lahaa goob walba iyo waxa ku habboon.
Bandhigan ayaa waxaa ka soo qaybgalay bahwadaagta Deegaanka iyo federaalka oo isugu jira kuwa waxsoosaarka iyo dhaqaalaha.