October 2, 2024
Waxaa xadhiga laga jaray hafar-dhaamka iyo biyo-gelinta qabalaha Sardaale ee degmada Laas-dhankayre ee gobolka Qoraxey.
Hafar-dhaamkan oo uu fuliyay Xafiiska Biyaha DDS ayay ku baxday ku dhawaad 80 milyan oo birr, waxaana dhistay shirkadda Kaah Real State Construction and Water Work Company. Hafar-dhaamkan oo ay galeen biyo dhan 90,000 M³ oo ka dhigan in ay ku jiraan 90 milyan oo liter oo biyo ah ayay ka faa’iidaysan karaan bulsho dhan 5,240 qof, waxaana loo sameeyay lix goob biyood oo ay ka cabaan bulshadu iyo darkii xoolaha.
Dhaamkan oo dherer iyo balac ahaanba dhan 150 miter hoos ahaana uqodan 4 miter ayay bulshada Sardaale iyo nawaaxigeedu kaga bixi doonaan biyo la’aantii haysatay waxa ayna aad ugu mahadnaqeen bulshadu xukuumadda uhirgalisay hafar-dhaamka.