October 2, 2024
Guriyayn casri ah oo laga hirgaliyay magaalada Qabridahar noocooduna yahay G+1 oo ay dagi karaan 30 qoys ayaa xadhiga laga jaray.
Madaxweynaha DDS, mudane Mustafe Muxummed Cumar ayaa xadhiga ka jaray dhismaha 15 dabaqi oo casri ah oo ay ku baxday lacag ka badan 70 milyan oo birr. Guriyayntan oo lacagta ku baxday ay bixisay Wakaaladda Horumarinta iyo Maamulka guryaha ee DDS ayaa lagu wareejin doonaa cida mudata.