October 2, 2024
Shacabka degmada Guradhaamoole oo u tafaxaytay kafaa’iidaysiga waxsoosaarka beeraha.
Masuuliyiin heer deegaan ah oo shaqo ku maraya qaybo ka mid ah gobolka Liibaan oo uu hoggaaminayo Wasiirka Xafiiska Warfaafinta DDS ayaa booqday qaar kamid ah beeraha degmada Guradhaamoole.
Beerahan oo ku yaalla tuulada Golweyn ayaa ah kuwo lagu beeray roobka waxayna ka kooban yihiin dalagyada daafida, qamadiga, sinsinta, gallayda iyo digir labo nooc ah, waxayna masuuliyiintu beeraleyda ka dhagaysteen baahiyaha ay qabaan ee u baahan in dowladdu taageero ka siiso.
Madax-xafiiseedka beeraha degmada Guradhaamoole ayaa sheegay in degmada Guradhaamoole 85% la beeray qorshihii uga dajisnaa barnaamijka dalag iyo daryeel ee xukuumaddu u dajisay kafaa’iidaysiga waxsoosaarka beeraha, taas oo uu sheegay in la beeray 13,250 hiktar wuxuuna qorshuhu ahaa 15,425 hiltar.