October 2, 2024
Waxaa xadhiga laga jaray dhismaha Xafiiska Maamulka gobolka Jarar.
Madaxweynaha DDS, mudane Mustafe Muxummed Cumar ayaa xadhiga kajaray Xafiiska Maamulka gobolka Jarar oo ay ku baxday lacag dhan 44 milyan oo birr oo laga dhisay miisaaniyadda Xafiiska Horumarinta Magaalooyinka iyo Dhismaha DDS.
Xukuumadda Deegaanka ayaa isbaddalkii kaddib qorshe uqaadatay in la dhiso dhismayaal dawladeed oo ku haboon adeega ay bixiyaan bilic iyo quruxna kusoo kordhiya magaalooyinka deegaanka kaasi oo uu qayb kayahay dhismahan cusub ee xafiiskani.