October 2, 2024
Godey: Masuuliyiin heer deegaan ah iyo kuwa maamulka magaalada ayaa soo kormeeray mashaariicda kala duwan ee ay xukuumadda Deegaanka Soomaalidu ka fulinayso magaalada Godey.
Masuuliyiintan oo uu ugu horreeyo Wasiirka Xafiiska Waxbarashada DDS Mudane C/laahi Cabdi oo maalmahan shaqo u joogay magaalada Godey ayaa soo kormeeray mashaariicda horumarineed ee aan wali dhammaanin ee laga fulinayo Maamulka Magaalada Godey.
Kormeerkan ayay masuuliyiintu ku eegayeen habsami-u-socodka dhismayaasha kala duwan iyo sidii ay u ogaan lahaayeen meelaha ay dhalliillshu ka jirto ee u baahn in la saxo. Mashaariicdan ayaa waxaa ka mid ah garoonka kubadda cagta, beerta cagaaran iyo jid laami ah oo dhererkiisu dhan yahay 1.2km oo ay dhismihiisa fulinayaan maamulka magaaladu.