October 2, 2024
“Waxaan marwalba diyaar unahay inaan qayb mugleh ka qaadanno illaalinta nabadgalyada”, shacabka degmada Iimay-galbeed.
Masuuliyiin heer deegaan ah ayaa kulan wadatashi ah la yeeshay qeybaha kala duwan ee bulshada degmad Iimay-galbeed. Shirkan oo ay shir-guddoominayeen Wasiirka Xafiiska Horumarinta Magaalooyinka DDS Mudane Maxamednaaji Maxamed iyo Wasiir ku-xigeenka Xafiiska Horumarinta Xoolo-dhaqtada Mudane Xasan Sh. Yuusuf oo ay weheliyaan maamulka degmada ayaa daarnaa dhagaysiga tabashada iyo baahiyaha bulshada degmada iyo in bulshada lala socdsiiyo xaaladda guud ee dalka iyo jihooyinka siyaasadeed ee xukuumaddu u qaadatay in ay ku horumariso kaabayaasha aasaasiga ah sida waxsoosaarka, waxbarashada, dhaaqaalaha iyo caafimaadka.
Shacabka ayaa madasha ugu soo bandhigay masuuliyiinta waxyaabaha ay taabanayeen, sidoo kalena xusay in marwalba diyaar u yihiin la shaqaynta laamaha amniga. Dhankoodana, hoggaaminta ayaa uga turxaanbixisay tabashadooda islmarkaana u ballanqaaday in sida ugu habboon wax looga qaban doono waxyaabaha uu gurigu usoo jeediyay.