October 2, 2024
Tartankii 12aad ee ciyaaraha 7-da degmo ee gobolka Doollo oo ka socday degmada Dannood ayaa lasoo gabo’gabeeyay galabta oo jimce ahayd.
Ciyaartan oo ahayd kama dambaysta 7-da degmo iskuna soo hadheen labada degmo ee Daratoole iyo Galxamur ayay degmada Daratoole ku guulaysatay koobka toddobada degmo ee gobolka Doollo.
Degmada Daratoole waa markii ugu horraysay ee ay qaado koobka toddobada degmo ee gobolka, waxaana abaalmarinno la guddoonsiiyay kooxaha kaalmaha 1aad, 2aad iyo 3aad kala galay ee degmooyinka Daratoole, Galxamur iyo Gallaadi.
Ciyaartan oo ahayd mid aad u adag ayaa degmada Galxamur lagaga guulaystay gool-ku-laad, sidaas ayayna koobka ku qaaday degmada Daratoole.