October 2, 2024
Tartankii 9aad ee degmooyinka gobolka Erar oo ay ku loolamayeen 7 kooxood ayaa lasoo gabo’gabeeyay.
Tartankan ayay kama dambaystii isugu soo hadheen degmooyinka Fiiq iyo Yaxoob, waxayna halkaa guushu ku raacday degmada Fiiq oo tartanka martigalinaysay.
Waxaana abaalmarino kala duwan la guddoonsiiyay kooxihii kaalmaha 1aad, 2aad iyo 3aad kala galay.
Waxaa xusid mudan in degmada Sallaxaad aysan sannadkan ka qaybgalin koobka degmooyinka gobolka Erar, sababo jid la’aaneed awgeed kaddib markii roobab mahiigaana ay jareen jidkii marinka u ahaa.