October 2, 2024
Waxaana daahfurkii tartankaasi ka qaybgalay masuuliiyin ay ka mid ahaayeen guddoomiyaha gobolka Siti Mudane Maxamed Kaahin Xoosh, Wasiir kuxigeenka Xafiiska Xirfadaha iyo Shaqo-abuurka DDS Mudane Mahdi Daahir iyo maamullada dagmooyinka gobolkaasi.
Masuuliyiinta heerarkeeda kala duwan oo la hadlay Warbaahinta Deegaanka ayaa sheegay in ciyaartoydu muujiyaan anshax wanaagsan, ciyaarwanaag, dulqaad iyo is ixtiraam, waxayna intaasi ku dareen in ciyaarahaas laga dhaxlo isdhexgalka dhallinyarada, kor-u-qaadista qiyamka ciyaaraha iyo waliba sidoo kale xoojinta nabadgalyada.