October 2, 2024

Wafdigan oo ay ku wehelinayeen maamulka degmooyinka Qabribayax, Haroorays, Harawo, maamulka cusub ee degmada Awbarre, masuuliyiin heer gobol iyo heer deegaan iskugu jira ayaa si diiran loogusoo dhaweeyay magaalooyinka Lafaciise, Sheed-dheer iyo Awbarre.

Masuuliyiintii ka socotay gobolka Faafan ayaana kulan lagu dardargalinayo geeddi-socodka horumarineed iyo adeegyada bulshada la qaatay maamulka degmada Awbarre maadaama oo dhawaan isbedel lagu sameeyay maamuulka degmadaasi. Waxaanay intaa kadib soo kormeereen adeegbixinta xarunta caafimaadka ee degmada Awbarre.