October 2, 2024
Tartanka koobka kubadda cagta sannadka 2015-ka t.i oo ay ku loolami doonan 8 kooxood oo ka kala socotay 8 degmo oo ka mid ah degmoyinka gobolka Afdheer ayaa waxaa lagu billaabay labada kooxood ee matalayay degmada Raaso iyo degmada Iimay-galbeed.
Madaxa Arrimaha Xisbiga Barwaaqo ee gobolka Afdheer Mudane Aadan Geedi oo kala soo qaybgalay furitaanka tartanka ayaa kooxaha kula dardaarmay inay ilaaaliyaan anshaxa iyo xeerarka ciyaaraha kana faa’iidaystaan isdhaxgalka dhallinyarada ku dhexmara goobaha ciyaaraha iyo tartamada noocan oo kale ah.