October 2, 2024
Magaalada Diridhabe oo lagu qabtay kulanka wadatashiga maalgashiga.
Kulankan oo ka qabsoomay New Sesta hotel ee magaalada Diridhabe waxaa ka qaybgalay Madaxwayne Kuxigeenka DDS mudane Ibraahim Cusmaan Faarax, masuuliyiinta Xafiiska Maalgalinta iyo Warshadaha DDS, maamulada dagmooyinka gobolka Siti iyo maalgaliyayaal kala duwan oo isugu jira kuwa Deegaanka iyo dalka dariska ah ee Jabuuti.
Kulankan ayaa lagu soo badhigay fursahada Kala duwan ee dhinaca maalgashiga ka banaan iyo caqabadaha jira ee ubaahan in wax laga qabto oo maalqabeenadu dhankooda soo bandhigeen.
Madaxwayne Kuxigeenka DDS Mudane Ibraahim Cusmaan oo ka hadlay kulankaas ayaa hoosta ka xariiqay in guud ahaan Deegaanka Soomaalidu qani ku yahay khayraad kala duwan islamarkaana ku haboon maalgashiga kala duwan ee dhinaca waxsoosaarka beeraha, xoolaha iyo warshaydanta, wuxuuna intaas ku daray in maalqabeenada looga fadhiyo in ay la yimaadaan qorshe cad oo ka turjumaya waxqabadkooda halka maamulada heer gobol iyo heer degmo looga baahanyahay in ay kaalintii kaga aadanayd ee hogaamineed ka gaystaan.
Madaxwayne Kuxigeenka oo hadalkiisa sii wata ayaa cadeeyey in xukuumad ahaan maalgaliyayaasha lala garab joogo wixii dhiirigalin ah ee dhanka xukuumada jira.