October 2, 2024
Xidhibaan C/wali Cumar oo ka mid ah guddiga joogtada ah ee Golaha Xildhibaannada DDS ayaa sheegay in mashaariicda xidh-xidhka dhulka ee Xafiiska Beeraha DDS ka fuliyay degmooyin qaarkood uu waxbadan ka tarayo soo noolaynta dhulka.
Guddiga joogta ah ee golaha xidhibaanada iyo Xafiiska Beeraha DDS ayaa kormeer ku sameeyay mashaariicda xidh-xidhka dhulka ee laga fuliyay degmooyinka Shaygoosh, Birqod iyo Dhagaxbuur, kuwaas oo wax lagaga qabanayay dhibaatooyinka ay waraarrada iyo jeex-jeexyadu ugaystaan dhulka.
Xildhibaan C/wali Cumar oo ka mid ah guddiga joogta ah ee baarlamaanka Deegaanka ayaa sheegay in farsamooyinkan casriga ah ee xafiiska beeruhu ku badbaadinayo dhulka isbaddal fiican laga helay goobaha laga hirgaliyay, farsamooyinkan casriga ah ee xidh-xidhka dhulka ayaa soo celiyay dhulbadan oo hadda ka hor waraarradu ay sameeyeen.