October 2, 2024
Xarunta caafimaadka Ciidadawga ee degmada Sagag oo dhismaheeda lasoo gabo’gabeeyay ayaa si rasmiya xadhigga looga jaray.
Xaruntan caafimaadka oo dhismaheeda uu hirgaliyay Xafiiska Caafimaadka DDS ayaa laga dhisay meel ku habboon oo bulshada aaggaasi deggani ubaahnaayeen.
Xaruntan caafimaadka oo ay xadhigga ka jareen Wasiirka Xafiiska Adeegga Shacabka DDS iyo Wasiir kuxigeenka Xafiiska Dakhliga oo shaqo utagay gobolka Nogob iyo maamulka degmada Sagag ayaa bulshada munaasabadda xadhigjarka kasoo qaybgashay kula dardaarmay in ay ilaashadaan xaruntan, wixii ka dhimmanna la keeni doono.