October 2, 2024
Waxgaradka degmada Guradhaamoole iyo masuuliyiin heer deegaan ah ayaa wadayeeshay shir ay iskaga xogwaraysanayaan xaaladaha nabadgalyada iyo horumarka.
Masuuliyiinta oo uu horkacayo Wasiirka Xafiiska Warfaafinta DDS ayna wehelinayaan Wasiir kuxigeenka Xafiiska Biyaha DDS iyo xildhibaan ka mid ah baarlamaanka Deegaanka ayaa u tagay Guradhaamoole xaqiijinta xaaladaha nololeed ee bulshada iyo dabagalista mashaariicaha horumarineed ee ka socda degmadaasi.
Masuuliyiinta ayaa shacabka ka dhagaystay baahiyahooda iyo tabashooyinka guud ee ay qabaan iyaga oo u sheegay in ahmiyad ay siinayso xukuumaddu taabbogalinta adeegbixinta bulshada iyo horumarinta kaabayaasha dhaqaale, bulshadana looga baahan yahay in ay ka faa’iidaystaan waxsoosaarka beeraha