October 2, 2024
Waxaa xadhigga laga jaray mashruuca biyogalinta tuulada Haar-cadey ee degmada Birqod.
Wasiirka Xafiiska Biyaha DDS Mudane Xasan Maxamed Xuseen oo ay weheliyaan guddoomiyaha gobolka Jarar, maamulka degmada Birqod iyo xildhibaanno ayaa xadhigga ka jaray mashruuca biyogalinta tuulada Haar-cadey ee degmada Birqod ee gobolka Jarar.
Mashruucan ayaa waxaa ku baxday miisaaniyad dhan 32 milyan oo ay iska kaashadeen Xafiiska Biyaha DDS iyo hay’adda UNICEF, iyada oo ay ka faa’iidaysanayaan tiro shacab oo dhan 4,360 qof .
Shacabka tuulada Haar-cadey oo soo dhaweeyay mashruucan biyogalinta ah ayaa tilmaamay inay kaga baahi baxeen baahidii biyo la’aaneed ee ay hadda ka hor qabeen.