October 2, 2024
Waxaa garoonka diyaaradaha Garaad Wiilwaal ee magaalada Jigjiga si meeqaam sare leh loogu soo dhaweeyay wafdi uu hoggaaminayo Taliyaha Guud ee Ciidanka Booliska Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Wafdigan ayaa waxaa si wadajir ah usoo dhaweeyay qaar ka mid ah masuuliyiinta sare ee Xukuumadda Deegaanka, Masuuliyiinta Komishinka Booliska DDS, saraakiisha laamaha ammaanka, odayaal-dhaqameedka Deegaanka iyo kooxaha fanka iyo suugaanta.
Munaasabaddani soo dhaweynta ah kaddib wafdiga ayaa loosoo dheelmiyay Xafiiska Madaxweynaha ee DDS, halkaasi oo uu ku qaabilay kusii simaha madaxweynaha DDS ahna Wasiirka Xafiiska Waxbarashada.
Soo dhaweynta kaddib masuuliyiinta ayaa kulan ku qaatay gudaha Xafiiska Madaxwaynaha Deegaanka.