October 2, 2024
Wasiirka Xafiiska Madaxweynaha DDS iyo masuuliyiin kale ayaa booqasho kusoo maray beer ku taalla degmada Awaare oo uu hirgaliyay mid ka mid ah bulshada degmada Awaare.
Beertan oo ah mid ku baxday waraabka kuna yaallaan noocyada kala duwan ee khudaarta ayaa waxaa hirgaliyay Mustafe Sh. Xasan oo ah muwaadin ku nool Awaare, isaga oo ka faa’iidaystay biyo-xidheenka laga hirgaliyay duleedka magaalada Awaare.
Masuuliyiinta booqatay beertan ayaa bogaadiyay waxsoosaarka muwaadinkani hirgaliyay, iyaga oo ku dhiirrigaliyay in uu dadaalkiisa sii wado