October 2, 2024
Wasiirka xafiiska Biyaha ee Deegaanka Mudane Xasan Maxamed ayaa dhagaxdhigay mashruuca biyogalinta degmada Shabeelley ee gobolka Faafan.
Mashruucan oo ay ku baxayso lacag dhan 26 milyan ayaa waxaa maalgaliyay Bangiga Adduunka, waxaana fulinaysa hay’adda One Wash Program iyada oo ay ka faa’iidaysan doonaan in ka badan 12,000 oo qof oo ku nool degmada Shabeelley.
Mashruucan ayaa biyaha looga qabanayaa dhuumaha biyaha ee magaalada Jigjiga ee dhexmara degmada Shabeelley, waxaana uu ka kooban yahay 9 goobood-biyood (Water Point) oo laga hirgalinayo gudaha magaalada iyo 3 dar oo xooluhu ka cabbi doonaan. Waxaana la filayaa in muddo 6 bilood ah lagu soo dhammaystiro dhismaha mashruucan.
Munaasabadda dhagaxdhigga ayaa waxaa ka qeybgalay masuuliyiin heer deegaan, heer gobol, xildhibaanno iyo shacabka degmada Shabeelley.