October 2, 2024
Wafdi uu hoggaaminayay Madaxa Xafiiska Xisbiga Barwaaqo ee Soomaalida Eng. Maxamed Shaalle ayaa soo kormeeray barnaamijka dalag iyo daryeel ee degmada Awbarre.
Wafdigan uu hoggaaminayay Madaxa Xafiiska Xisbiga Barwaaqo ee Soomaalida oo ay ku wehelinayeen maamulka gobolka Faafan iyo kuwa degmada Awbarre ayaa ahaa kormeer uu ku soo eegayo waxsoosaarka beeraha ee degmada Awbarre gaar ahaan beeraha qaar ka mid ah tuulooyinka hoos yimaadda degmada Awbarre.
Beerahan lasoo kormeerayay oo lagu beeray roobka xilligan ka da’aya Deegaanka ayaa ka dhigay in sannadkiiba laba jeer lagu beeri karo, halka hadda kahor biyaha roobka lagu beeri jiray hal mar oo kaliya. Waxaana socdaalkani uu daarnaa sidii loogu dhiirrigalin lahaa beeraleyda in ay sii xoojiyaan dadaallada loogu jiro ka midho’dhalinta qorashaha dalag iyo daryeel.
Wafdiga oo si gaar ah udul istaagay beeraha tuulada Xero-san ee degmada Awbarre ayaa soo indho’indheeyay beer uu tuuladaasi ka qotay Xaaji Cabdi Ibraahin oo ka mid ah ganacsatada Deegaanka, beertaasi oo laga qoday dalagyada qamadiga iyo gallayda ayaa la beeray dhul ka badan 100 hiktar halkaasi oo ay wafdigu ugu mahadceliyeen dadaalkiisa kuna dhiirriyeen in uu sii labo jibbaaro ka faa’iidaysiga waxsoosaarka beeraha.
Degmada Awbarre ayaa waxaa sannadkan u qorshaysnayd in barnaamijka dalag iyo daryeel laga qodo dhulbeereed gaadhaya 80,000 oo hiktar, taasi oo si fiican usocota hirgalinteedu.