October 2, 2024
Masuuliyiin uu horkacayo Wasiirka Xafiiska Biyaha ee Deegaanka Mudane Xasan Maxammed ayaa kulan wadatashi ah la qaatay bulshada, hoggaaminta iyo hay’addaha amniga ee degmada Goljanno ee gobolka Faafan.
Ujeeddada kulanka ayaa ahaa mid bulshada iyo maamulka degmada lagula wadaagayay istaraatejiyadda iyo jihooyinka xukuumaddu qaadatay oo ay qayb ka yihiin dib-u-habaynta hay’adaha amniga iyo qorshayaasha horumarineed, sidoo kale lagu dhagaysnayo baahiyaha adeegyada aasaasiga ah ee bulshada.
Shacabka degmada Goljanno ayaa soo jeediyay adeegyada ay u baahan yihiin in wax laga qabto.