October 2, 2024
Tartankii kubadda cagta 10-ka degmo ee gobolka Shabeelle oo ay martigalisay degmada Iimeey-bari ayaa lasoo gabo’gabeeyay.
Waxaana ciyaartii kama dambaysta isugu soo hadhay degmooyinka Mustaxiil iyo Beercaano, ciyaartan oo ahayd mid xiisad iyo xamaasad gooni ah lahayd ayaa kusoo dhammaatay barbarro 90-kii daqiiqo ee ciyaarta, degmada Beercaano ayaana gool-ku-laad ku badisay oo ku guulaysatay koobkii udhexeeyay 10-ka degmo ee gobolka Shabeelle.
Maamulka gobolka Shabeelle iyo kuwa degmooyinka oo ciyaarta kama dambaysta ah kasoo qaybgalay ayaa abaalmarino kala duwan guddoonsiiyey ciyaar yahannadii ugu fiicnaa tartanka.