October 2, 2024
Hoggaaminta heer deegaan iyo heer gobol ayaa kulan la qaatay maamulka iyo shacabka magaalada Hartasheekha ee degmada Qabribayax.
Masuuliyiinta ayaa uga warbixiyay shacabka ujeedada kulankan oo ahayd sidii fahan iyo wacyi looga siin lahaa bulshada jihooyinka hogaamineed ee heer dal iyo heer deegaan ee dib u habaynta nidaaminta hay’adaha amaanka Deegaanka, lasoo bixidda waxsoosaar baahi tira damaanadda cunto ee bulshada iyadoo la xoojinayo barnaamijka dalag iyo daryeel, lana barbar wadayo barnaamijka dhaqo oo dheefso ee ka faa’iidaysiga khayraadka xoolaheena, tayaynta waxbarashada, kor u qaadidda dakhliga, maamulka suuban, hirgalinta barnaamijka cagaarinta iyo ladagaallanka xaalufinta dhirta, xoojinta adeegyada caafimaadka, shaqo abuurka dhalinyarada iyo kor u qaadidda ciyaaraha si loo helo bulsho caafimaad qabta.
Intaa kaddib ayaa shacabka magaalada Hartasheekhu ka hadleen kulankan iyagoo soo dhaweeyay dadaalada horumarineed ee ay dawladu qabatay mudadii isbaddalka, sidoo kalana waxay sheegeen inay si wayn u garab taagan yihiin ciidamada deegaanka kalana shaqaynayaan amniga
Intaa kadibna waxay shacabku dawlada ka codsadeen in si dakhso ah wax looga qabto baahida dhanka wadada oo muddo dheer soo jiitamaysay.
Dhanka kalena masuuliyiinta heer deegaan ayaa markay shirka dhameeyeen soo kormeeray mashaariicaha horumarineed ee ka socda degmada Qabribayax oo ay ka mid yihiin kulliyadda ciyaaraha ee laga dhisayo duleedka magalada Qabribayax, barnaamijka dalag iyo daryeel ee degmada Qabribayax, wadada jayga ah ee isku xidhaysa Hartasheekha iyo Qabribayax iyo biyo galinta Hartasheekha.