October 2, 2024
Shirweynaha wacyigalinta toddobaadka tallaalka Afrika ayaa markii ugu horraysay si meeqaam sare leh loogu qabtay xarunta Deegaanka ee magaalada Jigjiga.
Shirweynahani oo ahaa mid ay soo agaasintay wasaaradda caafimaadka ee heer federaal oo ay kasoo qaybgaleen masuuliyiinta wasaaradda caafimaadka ee heer federaal iyo heer deegaan, xafiisyada bahwadaagta la ah xafiiska caafimaadka iyo hay’adaha kala duwan ee caafimaadka ee ka hawlgala dalka gudihiisa ayaa ahaa mid masuuliyiinta hay’adahani ay kasoo jeediyeen farriimo kala duwan oo ku taxalluqa dhanka joogtaynta tallaalka caafimaadka, iyaga oo xoogga saaray sidii loo xakamayn lahaa cudurrada faafa.
Madashani oo ahayd madal lagu faaqidayay muhiimadda uu tallaalku u leeyahay carruurta joogta xilliga qaadashada tallaalka ayaa ahayd mid lagu lafaguray sidii loosii xoojin lahaa dadaallada ay wadaan xafiiska caafimaadka iyo hay’adaha bahwadaagta la ah, iyada oo u jeeddada ugu weyn ee looga hadlayay ay ahayd faa’iidada uu tallaalku u leeyahay bulshada qeybaheeda kala duwan.